Soomaaliya iyo UNDP oo xoojinaya iskaashiga Dowladda Dijitaalka ah
15 September 2026 | Muqdisho, Soomaaliya
GAROWE, 15 Sep (Garowe Online) — Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Soomaali, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka cusub ee UNDP u qaabilsan Soomaaliya, Christophoros Politis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dowladda dijitaalka ah, hal-abuurka teknolojiyadda iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta adeegyada dijitaalka ah iyo kaabayaasha teknolojiyadda, iyadoo la doonayo in adeegyada dowladda loo fududeeyo shacabka.
Dhankiisa, Wakiilka UNDP ayaa xaqiijiyay in hay’addu sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha awoodda hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha isbeddelka dijitaalka ah.