DEGDEG
Madaxweyne Cirro oo sheegay inuu nabad iyo wada-hadal ku raadinayo arrinta Sool In ka badan 10,000 oo qof oo wajahaya biyo la’aan ka jirta gobolka Bari Madaxweyne Cirro oo sheegay inuu nabad iyo wada-hadal ku raadinayo arrinta Sool In ka badan 10,000 oo qof oo wajahaya biyo la’aan ka jirta gobolka Bari
Soomaaliya

Soomaaliya iyo UNDP oo xoojinaya iskaashiga Dowladda Dijitaalka ah

Soomaaliya iyo UNDP oo xoojinaya iskaashiga Dowladda Dijitaalka ah
Soomaaliya iyo UNDP oo xoojinaya iskaashiga Dowladda Dijitaalka ah Garowe Online

15 September 2026 | Muqdisho, Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Soomaali, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka cusub ee UNDP u qaabilsan Soomaaliya, Christophoros Politis.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dowladda dijitaalka ah, hal-abuurka teknolojiyadda iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta adeegyada dijitaalka ah iyo kaabayaasha teknolojiyadda, iyadoo la doonayo in adeegyada dowladda loo fududeeyo shacabka.

Dhankiisa, Wakiilka UNDP ayaa xaqiijiyay in hay’addu sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha awoodda hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha isbeddelka dijitaalka ah.

La soco Garowe Online

Warfidiyeenku maalintii oo dhan wax bay soo dhigaan.

FacebookLa soco bogga XWararkii dambe YouTubeDaawo warbixinno